You are currently viewing Sida Loo Dhiso Shakhsiyadda Xooggan

Sida Loo Dhiso Shakhsiyadda Xooggan

Guulaha aad gaadhayso waxay ku salaysan yihiin inaad leedahay shakhsiyad xooggan. Waxaa jira sifooyin muhiim ah oo lagu tilmaamo shakhsiyadda xooggan, sida kalsoonida nafta, adkeysiga, kartida, dhagaysiga, diyaargarowga, jiritaankaaga, hammigaaga, qiyamkaaga iyo mabda’aaga.

1. Kalsoonida Nafta:

Shakhsiyadda xooggani waxay ku leedahay kalsooni weyn nafteeda. Waa qof fahamsan awooddiisa iyo kartidiisa, isla markaana naftiisa wax badan ka filaya, halka dadka kale uu wax yar ka filayo. Shakhsiyaddan waxay si fiican u taqaannaa jihada ay ku socoto waxayna ku xirantahay Alle.

2. Adkeysi:

Shakhsiyadda xooggani waxay si buuxda u qaaddaa mas’uuliyadda nafteeda iyo wixii ka yimaada, ha noqoto sax ama khalad. Waxay u dulqaadataa xaaladaha adag iyo caqabadaha, mar kasta oo ay ku dhacdo dhibaato, si degdeg ah ayay uga kacdaa oo marna ma isdhiibto.

3. Kartida:

Waa shakhsiyad hubta kartideeda iyo awooddeeda in ay ka gudbi karto caqabadaha iyadoo Ilaahay talo saaranaysa. Kartideedu waxay ku dhiirigelisaa inay si joogto ah u horumariso nafteeda, u dejiso yoolooyin cad, kuna hoggaamiso dhanka guusha iyo wanaagga. Guud ahaan, waxay higsataa nolosha abadi ah ee jannada, iyada oo aamminsan in qof walba uu abaalmarin doono maalinta qiyaame wixii uu kartidiisa iyo waqtigiisa ku bixiyey.

4. Dhagaysiga:

Shakhsiyadda xooggani waa mid u diyaar ah inay wax ka barato dadka khibradda iyo waayo-aragnimada leh. Waxay leedahay awood dhagaysi qoto dheer oo ay ku fahamto aragtiyaha iyo talooyinka dadka kale, taasoo ka caawisa inay si wanaagsan u xalliso dhibaatooyinka nolosha.

5. Diyaargarowga:

Waa shakhsiyad ku dhaqaaqda ficilka marka ay go’aan qaadato, iyadoo aan waqti dheer ku lumin diyaarinta. Waxay si fiican ugu diyaarsan tahay inay ka faa’iidaysato fursadaha cusub oo ay la qabsato isbeddelada nolosha, iyadoo mar walba diyaar u ah inay wax cusub barato.

6. Qiyamka:

Shakhsiyad xooggan waxay leedahay qiyam adag oo hagta, iyo mabda’ aan laga leexsan karin. Waa qof leh meel cad oo loogu soo hagaago, waxayna si adag ugu taagan tahay qiyamkaas iyada oo aan u oggolaanin wax ka hor yimaada inay ka leexiso.

7. Mashruuca Nolosha:

Shakhsiyadda xooggani waxay leedahay yool cad oo ay nolosheeda ku hagto. Waxay ka shaqaysaa mashruuc nololeed oo muhiim ah, kaas oo ah in ay nafteeda ka badbaadiso naar kuna geyso janno. Waxay si joogto ah ugu socotaa dhabbahaas iyada oo aan waxba dib u celin karin.

Si Aad U Dhisto Shakhsiyadda Xooggan:

  1. Dib u qiimee halka aad nolosha ka taagan tahay iyo halka aad rabto inaad gaadho.
  2. U fiirso waqtigaaga iyo sida aad uga faa’iidaysato, wax kasta oo aad akhrido, daawato, ama dadka aad la joogto waxay saameyn ku leeyihiin noloshaada.
  3. Horumariso xirfadahaaga, sababtoo ah farqiga u dhexeeya maanta iyo berri waa xirfadaha aad barato.
  4. Dooro tusaalayaal wanaagsan oo aad ku dayato.
  5. Dhiso xiriirro qiimo leh oo kugu caawiya inaad horumar gaarto.

Markaad waxyaabahan hirgeliso, waxaad si cad u fahmi doontaa sababta aad u nooshahay. Nebi Muxammad (SCW) wuxuu u noolaa inuu dadka ka saaro mugdiga una geeyo iftiinka Islaamka. Haddaba, adigu maxaad u nooshahay? Qor, fikir, oo dadaal, Ilaahayna ku kaalmee.

Related Article

Leave a Reply